Halyay Real Madrid U Soo Ciyaaray Oo Saadaaliyay Waxa Barca Laga Filan Karo.

0
160

Jowhar – (Radio Isnaay) – Halyaygii hore ee kooxda Barcelona iyo Real Madrid ee Bernd Schuster ayaa saadaaliyay waxa xili ciyaareedkan laga filan karo kooxda xaalada badan ee xun soo martay ee Barca oo waliba isbadal badan samaynaysa.

Bernd Schuster oo kooxaha Barcelona iyo Real Madrid u soo wada ciyaaray intii u dhexaysay 1970-1990 kii ayaa ku dooday in xili ciyaareedkan ay Barcelona ku guulaysan karto koobka horyaalka La Liga balse ayna samayn doonin wax kale oo badan.

Bernd Schuster waxa uu dhaliilay isbadalka tababare iyo ciyaartoy ee israacsan ee ay maamulka Bartomue samayeen wuxuuna ku dooday in ayna suurtogal ahayn in hal mar wax walba la badalo

Bernd Schuster oo la hadalayy barnaamijka caanka ah ee El Transistor ee idaacada Onda Cero ayaa ku dooday in sida ay maamulka Barca wax u wadaan uu yahay wax qalad ah.

Bernd Schuster oo saadaalinaya waxa laga filan karo Barca xili ciyaareedkan ayaa yidh: “Anigu waxaan arkaa Barca oo ku guulaysanaysa La Liga. Waxaan aaminsanahay in dadka kooxdu ay ka fikirayeen in ay isbadal xag jir ah sameeyaan oo uu ku jiro in ay Messi iibiyaan”.

Bernd Schuster ayaa ka hadlaay tababare Ronald Koeman wuxuuna yidhi: “Marka uu kooxda yimaado tababare cusubi, ma badali kartid kooxda oo dhan. Waa qalad,sababtoo ah waxaa lagu qasbi karaa in uu si xun ku bilawdo.

“Barca waxay maraysaa waqti aad u adag, isbadal xag jir ahna looma baahna, laakiin waxaa suurtogal ah in waqtigan kala guurka ahi uu laba sanadood qaato” ayuu Schuster hadalkiisa raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here