Timo Werner oo Magacaabay Dhibaatoyinka uu Kala Kulmay u Wareegistii Chelsea.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner ayaa ka hadlay caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaray Blues oo uu xagaagan kaga soo biiray Bayer Leverkusen.

Werner ayaa rikoodhe lagu galay kulankii AMEX Stadium ee Isniintii laakiin waxa dhamaadkii ciyaarta laga arkayay iyadoo jilibka lagaga xidhay baraf ka furfura bararka dhaawac kasoo gaadhay ciyaarta.

Frank Lambard ayaa kulankaas ku soo bilaabay labadiisa saxeex ee Timo Werner iyo Kai Havertz, maadaama ay ciyaartooyo dhawr ahi dhaawac ku maqnaayeen. Ben Chilwell ayaa dhaawac ku seegay kulankii ugu horreeyey ee uu xidhan lahaa garanka Chelsea, waxaase la filayaa inuu taam u noqdo ciyaarta ay kula ballansan yihiin Liverpool toddobaadkan.

Lampard oo ka hadlay ayaa yidhi: “Ben Chilwell wuxuu ka shaqaynayaa taam ahaanshihiisa, diyaar uma ahayn kulankii Brighton wuxuu se samaynayaa horumar isaga oo ku taagan jidka soo klabashada.”

Timo Werner ayaa dhinaciisa waxa uu magacaabay labada caqabadood ee waaweyn ee uu la kulmay tan iyo intii uu Chelsea yimid, waxaanu hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaas hadda uu xal u helay qaarkood.

24 jirkan oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Liverpool ay kula ballansan yihiin Axadda, waxa uu yidhi: “Nolosha London way fiican tahay waxaanan mar horeba magaalada ka helay dhisme. Taasi waxay xaqiiqdii muhiim iigu tahay inaan si degdeg ah ula qabsado halka aan joogayo ciyaaraha iyo tababarrada kaddib, si aan u dareemo inaan waddankaygii joogo.

“Sidoo kale wadista baabuurka ayaa dhibaato kale ahayd bilowgii. Aniga ayaa hadda kaxaysta, laakiin aad iyo aad ayay u fiican tahay.”

Werner waxa uu u mahad celiyey shaqaalaha, tababarka iyo ciyaartoyda kooxda oo uu sheegay inay gacmo furan kusoo dhoweeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here