Lionel Messi Oo Jamaahiirta Kubbada Cagta Aduunka Arin Cusub Kaga Yaabsaday.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo lagu qasbay in uu hal xili ciyaareed oo kale sii joogo Camp Nou ayaa jamaahiirta kubbada cagta aduunka arin cusub kaga yaabsaday wuxuuna taageerayaasha kooxdiisa Barca tusay waxa ay waayi gadheen.

Lionel Messi ayaa noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay kooxda Barcelona oo uu ku soo biiray 13 sano jirkiisii laakiin waxa uu ku dhawaaday in uu Camp Nou ka baxo inkasta oo maamulka Barca ay ku qasbeen in uu hal sano oo kale kooxda sii joogo.

Lionel Messi ayaa ku soo bilawday kulanka saaxiibtinimo ee ay Barcelona la ciyaarayso kooxda ay dariska yihiin ee FC Girona laakiin dhacdo uu ka sameeyay ayaa noqtay mid kubbada cagta qabsatay.

Laakiin Messi ayaa kuwada lug yeeshay dhamaan saddexda gool ee ay Barcelona ku garaacday kooxda Girona isaga oo laba gool dhaliyay halka uu goolka furitaanka soo sameeyay.

Messi ayaa markii hore si cajiib ah u soo sameeyay goolkii furitaanka ee ay kooxdiisa Barca ay ka dhalisay Girona kaas oo uu kubbad layaableh u bixiyay da’yarka Trincão wuxuuna da’yarkani kubbada  siiyay Coutinho oo goolka oo madhan horjoogay waxaana sidaa ku dhashay goolka hore ee Barca.

Laakiin markii la soo gaadhay daqiiqadii 45 aad ee qaybtii hore ee kulanka Barcelona iyo Girona ayuu Lionel Messi sameeyay dhacdada hadal haynta keentay ee uu ku dhaliyay goolka labaad ee Barcelona.

Lionel Messi waxa uu rekoodh kasta ku soo jabiyay ama ku soo dhigay lugta bidix ee uu aduunka kaga soo yaabsaday laakiin dhacdada kulankan looga diwaan galiyay waa mid gabi ahaanba ka duwan kadib markii uu si aan abid loo arag uu gool aan la rumaysan karin uu lugtiisa midig ku dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here