Beeraleyda  Jowhar oo Taageero ka Dalbaday Maamulka Hirshabeelle.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Beeraleyda ku nool  Deegaano hoos yimada Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirsahbelle aya waxa ay  Wadaan diyaarinta Dhulkii lagu Beerilahaa Dalagyada kala duwan  laga Beero Gobolkani Shabeellaha Dhexe kadib  saameyn xoog leh oo ay Xili Beereedkii Guga kuyeesheen Fatahdahii wabiga shabelle Wax soo Saarkii Gobolkani.

Tuulooyinka Halgan,  Kuluundi,  iyo Moyko oo ka mid ah tuulooyinka Hoosyimaada Jowhar kuwaas oo  uu Horay Wax soo Saarkooda u saameeyay Fatahaadaha  Wabiga ayaa hadda dib looga  bilaabay  tacabka xilliga Deyrta sida uu Radio isnaay u sheegay Gudoomiyaha Tuulada Halgan Cusmaan Muxumed Xaaji.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here