Miyuu Jiraa Ciyaartoy Kubadda Cagta Ah Oo Qiimihiisu Yahay £2 Bilyan Oo Gini?

0
142

JOWHAR (Radio isnaay) Ryan Giggs ayaa jawaab layaab leh ka bixiyey hadal kasoo yeedhay Roy Keane oo tilomaamay in haddii uu ku jiri lahaa waayihiisii da’yaraanta uu waqtigan suuqa iibka ka goyn lahaa lacag dhan £2 bilyan oo Gini.

Keane oo ay da’diisu tahay 49 jir ayaa sheegay in ciyaartoydii hore ee ay ka midka ahaayeen Ruud van Nistelrooy, David Beckham iyo Ryan Giggs uu qiimahooda suuqu cirka ku shareernaan lahaa waqtigan, gaar ahaan Giggs oo uu tilmaamay in aanu ka hooseeyeen lacag dhan £2 bilyan oo Gini.Ryan Giggs ayaa hadalka Keane wax laga weydiiyey, waxaanu ku jawaabay: “Mar walba wuxuu ku hadlaa hadal macno badan samaynaya, Roy. Ma garanayo £2 bilyan laakiin waxay ila tahay in Roy uu tilmaamayo in ciyaartoyda heerka dhexe ah ee waqtigan ay lacago badan taagan yihiin.

“Waxaad dib u fiirisaa ciyaartoydii aanu soo wada dheelnay. Waxaan u jeedaa, muxuu noqon lahaa qiimahoodu waqtigan?

“Ruud van Nistelrooy, wuxuu ahaa gool-dhaliye aan la rumaysan karin. Muxuu noqon lahaa qiimihiisu waqtigan? Halka aad xili ciyaareed kasta damaanad u haysato goolal, sidaa darteed, waxay ila tahay in Roy uu ka hadlayay taas, waanu ku saxan yahay, sababtoo ah, waqtigan waa iska dheeldheel oo kale.”

Ryan Giggs ayaa la weydiiyey ciyaartoyga khadka dhexe ee uu jeclaan lahaa waqtigan amaba ula midka noqon lahaa Roy Keane, waxaanu ku jawaabay: “Keane oo kale ma iibsan kartid, bal eeg horyaalka, keebaa la mid ah?

“N’Golo Kante way iska caddahay inuu ciyaartoy heersare ah yahay, laakiin Roy ayaa ka wanaagsanaa Kante.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here