Jamaahiirta Man United Oo Qaaday Talaabadii Ugu Danbaysay ,Uguna Waynayd Ee Ay Ku Soo Xero Galinayaan Jadon Sancho

0
149

JOWHAR (Radio isnaay) jamaahiirta Manchester United ayaa heer kale u qaaday rabitaankii ay ku doonayeen in kooxdoodu ay la soo wareegto xidiga kooxda Borussia Dortund ee Jadon Sancho waxayna bilaabeen olole ay ku soo ururinayaan lacagta 20 sano jirkan lagu iibsan karo.

Koox ka mid ah taageerayaasha Man United ayaa furay akown lacag loogu ururinayo kooxdooda Man United si looga caawiyo in ay jamaahiirtu bixiyaan lacagta lagu iibsan karo Sancho si uu United u iman karo.Barta internetka ee lacagaha bulshooyinka lagu ururinayo ee  GoFundMe ayaa laga bilaabay olole lacag ururin ah oo ciwaan looga dhigay: “Ka caawi Manchester United in ay iibsato Jadon Sancho”

Waxaana hadafka lacagtan ee la gaadhayago laga dhigay 108 milyan gini oo ah lacagta ay kooxda Borussia Dortmund ku xidhay in Sancho uu kooxdeeda ka bixi karo.

Waxay jamaahiirta Man United sameeyeen isku daygii ugu danbeeyay ee ay ku doonayaan in ay jeebkooda gacanta hoos u galiyaan oo ay iyagu noqdaan kuwii kooxdooda ka caawin lahaa saxiixa Sancho.

Marka loo tixgalio baaxada taageerayaasha Man United waxay si sahlan ku ururin karaan lacag ka badan inta Sancho lagu iibsan karo laakiin ololaha lacag ururinta onlineka ee loo yaqaan (Crowdfunding) ayaa ah mid loo sameeyay meel dadku ay lacagta ka soo bixin karaan, meel ay ka sii share-garayn karaan ololaha isla markaana ay fariimahooda ku ku soo gudbin karaan.

Goobta ololaha jamaahiirta Man United ee Sancho laga bilaabay ee GoFundMe ayaa ka mid ah mareegaha aduunka oo dhan caanka ka ah ee lacagaha loogu ururiyo mashruucyada kala duwan ee la doonayo in dad badan oo meelo kala fog joogaa ay lacagu ku tabaruci karaan.

Ololaha lacag ururinta jamaahiirta Man United ee Sancho waxaa bilaabay isla markaana hogaaminaya taageeraha uu magiciisu yahay Matthew Kelley kaas oo doonaya in uu noqdo hogaamiye bilaaba in uu Sancho yimaado United.

Ololaha lacag ururinta ee uu bilaabay Matthew Kelley ayaa ilaa hadda oo aan warkan qorayno maraya 175 gini laakiin waa ololaha hadda bilawday isla markaana marka aad sii gasho linkigan GoFundMe waxaa suurtogal ah in aad arki doonto lacagtan oo kordhaysa oo ay haddaba dad ku soo biirayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here