Fanaaniin iyo Jilaayaal Caan ah oo Joojinaya isticmaalka Bartooda Facebook.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Fanaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian West iyo toboneeyo kale oo ah dad caan ah ayaa ku dhawaqay inay joojinayaan isticmaalka cinwaanadooda baraha bulshada taasi oo ay uga cabanayaan faafidda ” naceybka, borabagaadada iyo wararka beenabuurka.

Tallabadani ayaa qeyb ka ah ololaha Jooji naceybka oo ay soo qabanqaabiyeen dadka u ololeeya arrimaha bulshada.

Dadkan caanka ah oo ay ka mid yihiin fanaaniinta iyo jilaayaasha ayaa isticmaalka baraha bulshada joojin doona muddo 24 saacadood ah maanta oo Arbaca ah.

Iskama fadhin karo oo kama aamusi karo iyada oo shirkadaha baraha bulslahad ay aqbalayaan faafinta naceyb iyo warar been abuur ah,” ayay tiri fanaanada Kardashian West.

Wararka been abuurka ah ee lagu daabaco baraha bulshada waxay saameyn ku yeelanayaan doorashooyiinkeena islamarkana waxay minjaxabinayan dimuqraadiyadeena,” ayay intaa ku dartay.

Dadka kale ee caanka ah ee aqbalay inay ka qeyb qaataan qaadacaadan ayaa waxaa ka mid ah jilaayaasha kala ah Leonardo DiCaprio, Sacha Baron Cohen iyo Jennifer Lawrence, iyo sidoo kale fanaanada Katy Perry.

Iskama fadhin karo iyada oo barahani bulshada ay iska indha tirayaan kooxaha iyo qoraalada fidinaya naceybka iyo wararka been abuurka ah,” waxaa sidaasi barteeda Instagram ku qortay Perry.

Jilaaga Ashton Kutcher, oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya joojinta isticmaalka baraha bulshada isaga oo sheegay “Aaladahan looma dhisin in naceyb iyo rabshado lagu faafiyo “.

Ololaha jooji naceybka oo xarigga laga jaray bishii June, ayaa waxaa uu ku eedeeynayaa shirkadaha Facebook iyo Instagram in aysan wax ka qaban khudbadaha naceybka iyo wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo barahani bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here