Dhaqaatiir Shaacisay in la Kordhin karo Xiliga Dhalmada Haweenka.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa aad loogu riyaaqay teknooloojiyadda casriga ah ee qaabilsan xallinta arrimaha taranka. Haweenka waxaa hadda suurogal ah in ay uur qaadaan ama ay dhalaanba iyaga oo dhaafay da’da dhalmada marka loo eego dumarkii hore, balse sidey macquul u tahay in teknooloojiyadda ay ka qeyb qaadato ilaalinta dhalmada?

Dagan Wells, oo ah Barfasoor ka tirsan kulliyadda arrimaha taranka ee jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in heerka dhalmada haweenka uu hoos u dhaco laga billaabo da’da 35, taasina ay tahay “Mid kamid ah farqiyada ugu waaweyn ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka, iyo sinnaan la’aan”.

Sidoo kale, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa awoodda taranka ee ragga marka ay da’ noqdaan balse hoos u dhacooda dhanka taranka wuxuu billowdaa xilli dambe marka loo barbardhigo haweenka. Taranka ragga wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa laga billaabo da’da 40 ilaa 45 jir.

Kumannaan sano oo lasoo dhaafay, haweenka waxay ahaayeen kuwo ku dhala 20 sano ama wixii ka yarba.

Warbixin lasoo saaray sanadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool dalalka la isku yiraahdo OECD ay ku dhalaan da’da 30. Warbixintu waxay muujineysaa in boqolkiiba 44 haweenka ku nool England iyo Wales ay ku dhalaan da’daas halka Kuuriyada Koonfureed ay isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool halkaas ku dhalaan da’da 31.

Muddo tobonaan sano ah, seynisyahannada waxay la xiriirinayeen hoos u dhaca ku yimaada dhalmada haweenka inay ugu wacan tahay tirada ugxaanta oo hoos u dhacda.

Taasi waxay ka dhigan tahay in marka ay haweeneyda da’ sii noqoneyso ay hoos u dhacayaan tirada ugxanteeda.

Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan ah. Marka ay gaarto 37 jir waxaa usoo hara 25,000 ugxaan ah, halka xilliga ay 51 jir yihiin ay lahaadaan 1,000 ugxaan ah, waxaana markaas fal-galid diyaar noqda 300 ilaa 400 ugxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here