Uganda iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis Dhinaca shidaalka ah

0
128

JOWHAR (Radio isnaay) Heshiiska waxaa saxiixay Madaxweynaha Tanzania John Magufuli iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Dalalka Tanzania iyo Uganda ayaa kala saxiixday heshiis oggolaanaya dhismaha dhuun shidaalka cayriinka ah oo dhererkeedu gaarayo 1,445 km (898 meyl).

Mashruucan oo ay ku kacayso lacag dhan $3.5bn (£2.7m) ayaa goobaha shidaalka ee Uganda ku xiri doona dekadda Tanga ee Tanzania.

Xafladda lagu kala saxiixday heshiiskan waxaa ka qeyb galay labada madaxweyne.

Goobo shidaal ayaa laga helay Uganda sanadkii 2006 balse soo saaridda shidaalka waxaa dib u dhigay iyadoo Uganda aysan lahayn hab  ay u dhoofiso.

Weli lama shaacin xilliga la dhiso doono dhuuntan shidaalka oo noqon doonta tii ugu weyneyd Bariga Afrika.

Waxaase laga digayaa in mashruucan uu saameyn ballaaran ku yeelan doono bulshada Uganda.

Hay`adaha gargaarka ayaa ka digay in dhismaha dhuuntaasi shidaalka ay waxyeello gaarsiin karto kheyraadka dabiiciga ah.

Shirkadda shidaalka ee Faransiiska laga leeyahay ee Total iyo shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee CNOOC, ayaa hoggaanka u haya qorshaha dhismaha dhuunta shidaalka ee Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here