Hordhac: Kulanka Chelsea vs Brighton – Lampard Oo Hubkiisa Ugu Culus Tijaabinaya, Shaxda Macquulka ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee kulankan.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayuu xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ugu bilaabmayaa safar ay ugu tegayso Brighton oo ku martigelinaysa garoonka Amex Stadium, waxaanu Frank Lampard dhexda u xidhanayaa sidii uu u muujin lahaa awood ciyaareed iyo guul weyn oo sawir ka bixisa sida maalgelintii weynayd ee xagaagan kooxda lagu sameeyey u shaqaynayso, isla markaana saxeexyada kusoo biiray ay yihiin kuwii ku hoggaamin lahaa inay ku dagaallanto horyaalka Premier League oo ay kaalinta afraad kaga dhamaysatay xili ciyaareedkii hore.

Brighton oo marti loo yahay ayaa iyaduna xili ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta 15aad, laakiin waxay ku jirtay xaalad badqab ah oo aanay ka walaacsanayn inay dib ugu dhacayaan heerka labaad, iyagoo guulo ka gaadhay kooxo waaweyn, taas oo ka caawisay inay warwar la’aan ahaadaan kulamadii ugu dambeeyey ee dhamaadka xili ciyaareedkii hore.

Finalka FA Cup oo ay soo gaadheen oo bishii hore ay Arsenal ka qaadday, Champions League oo wareeggii 16ka ay Bayern Munich ku burburisay, waxa u raacday in kulamadii ugu dambeeyey ay fursad siiyeen Manchester United oo kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ka riixatay.

Kulanka maanta, waxa indhaha lagu haynayaa saxeexyada cusub ee ay Chelsea samaysay ee ay ka midka yihiin Kai Havertz, Timo Werner, Ben Chilwell, Hakim Ziyach iyo Thiago Silva oo ay hubaal tahay in qaarkood kusoo bilaaban doonaan.

Dhinaca kale, Brighton ayaa suuqa ka faa’iidaystay, waxaanay Amex ku diyaarsatay saxeexyada cusub ee Joel Veltman iyo Adam Lallana oo ay filayaan inay wax tayo iyo tamarba kusoo kordhin doonaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Brighton vs Chelsea

Tartanka: Premier League, usbuuca 1aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here