Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ganacsatada Qudaarta ku iibiya Suuqa Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu jiro hoos udhac ku yimid Qiimaha qudaarta iyaga oo sabab uga dhigay ganacsatadii qaadi jirtay qudaarta oo Hakad Galiyay Ganacsigooda Kadib Markii Wadooyinka Gobolkani Shabeellaha Dhexe ay Saameyn Ballaaran ku Yeesheen Fatahaadahii Wabiga Shabeelle sida ay sharaxeyso Sacdiyo Maxamed Cali.
Sidoo kale waxa ay Sacdiyo xustay in aysan Ganacsigan ka helin nolol maalmeed ku filan qoyskeeda waxa ayna ganacsatada ugu baaqday in ay dib u bilaabaan goobihii loo qaadi jiray qudaarta Islamarkaana ka shaqeeyan sidii loo heli lahaa Mashiino lagu shiido Dalaga Yaanyada.
Warkan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi wali Axmed Hilowle.