Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sii hayaha Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaalya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta dalxiiska Soomaaliyeed iyo astaynta goobaha dalxiiska dalka ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe baaxad leh oo sare loogu qaadayo kaabayaasha dalxiiska dalka, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.
Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha illaao 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobaha qurxoon ee loo dalxiis tagi karo” ayuu yiri Maareeye.
Wuxuu xusay in gobollada dalka iyo degmooyinka ku tartansiiyey si loo horumariyo goobaha dalxiiska ku wacan, taas oo ay dawladda Soomaaliya ku abaal marin doonto.
“Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay sameeysay hannaan Online ah oo lagu diiwaan-gelinayo goobaha dalxiiska dalka si dadka dibadda ka imanaya ee dalxiisayaasha ah si sahal ah ugu helaan goob ay u dalxiis tagi karaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .
Sidoo kale Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegtay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbedel, iyadoo sanadkii sedexaad oo xiriir ah xoogga laga saarayo sidii loo soo nooleyn lahaa daxliiska dalka, taas oo ay ka dhalan karaan koboc dhaqaale iyo shaqo abuur.