Dhaqtar Si Qaldan Muraayadaha indhaha ugu Qoray Dad Bukaano ah oo Shaqadiisa laga Eryay.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin dhakhtar ah oo ku takhasusay cudurrada indhaha ayaa dalka Australia muddo sanad ah lagala noqday ruqsaddii uu ku shaqeynayay kaddib markii la ogaaday in si ula kac ah uu wax uga badalay cabbirka Ookiyaaleyaal ama muraayadaha indhaha oo ay gabar dhakhtar ah u qortay bukaanno kala duwan.

Ujeedada dhakhtarkan oo lagu magacaabo Ashok Bhoola ayaa lagu sheegay in ay ahayd in uu dhaawaco sumcadda iyo aqoonta gabar dhakhtar ah oo ay meel ka wada shaqeynayeen.

Maxkamad gaar ah oo baaraysay dhacdadaasi ayaa ogaatay in Ashok Bhoola uu si qarsoodi ah wax uga badalay cabbirka indhaha qiyaastii 410 qof oo gabadhaasi ay Ookiyaale u qortay, kuwaa oo intooda badan soo celiyay kaddib markii ay ogaadeen in cilladi ay jirto.

Maxkamadda ma aysan sheegin sababta dhabta ah ee dhakhtarkani ku khasabtay in uu si qarsoodi ah u badalo cabbirka indhaha bukaannadaasi isla markaana uu Ookiyaale khalad ah u qoro.

Balse tallaabadaasi uu qaaday ayaa sababay in gabadha dhakhtaradda ahi oo ay wada shaqeynayeen oo iyadu markii hore bukaannadaasi kala duwan u qortay Ookiyaaleyaashaasi ay aaminto in khalad weyn oo doqonnimo ah ay sameysay, sida uu baahiyay telefishinka dalkaasi ee ABC.

Ninka dhakhtarka ahi ee haatan laga mamnuucay in muddo sanad ah uu xirfaddiisa ku shaqeysto ayaa si ula kac ah u badalay cabbirka indhaha shakhsiyaadka ay gabadhani u qortay intii u dhaxeysay sanaddadii 2015 iyo 2016-kii. Gabadha dhakhtaradda ahi iyo Bhoola ayaa ka wada shaqeynayay xarun ay leedahay shirkadda Specsavers oo ku taal xaafada West Lakes ee magaalada Adelaide.

In kabadan 300 oo Ookiyaale ah oo cabbirkooga saxda ah uu khladay Bhoola ayaa la ogaaday in ay cilladeysan yihiin, waxaana markii dambe dadkii qaatay ay soo celiyeeb ilaa 96 ookiyaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here