Bandow adag oo ka dhaqan-galay Israel.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xaalad bandow ah oo adag ayuu galay Waddanka Israel kadib markii xukuumaddu ay shalay ku dhawaaqday in dadku guryahooda joogaan sababtoo ah waxaa kor u kacay heerka kiisaska la xariira xanuunka Karoona.

R/wasaaraha Yahuuda Binyamin Natanyahu ayaa ku dhawaaqay inay qasabtahay in dadku guryaha joogaan inta laga gudbayo culayska xanuunka.

Muddo sadex todobaad ah ayaa la sheegay inuu bandawga ka jirayo dhulka Yahuudu xooga ku haysato si looga hortago faafintaanka xanuunkaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay inka badan 4 kun oo ruux ayaa qaaday xanuunka Karona gudaha Israel taasoo kor u qaaday heerka cabsida.

Xarumaha waxbarashada, cibaadada iyo ganacsiga ayaa xirnaan doonaan hase ahaatee waxaa waqti kooban loo ogolyahay inay shaqeeyaan farmashiyeyaasha waxaana dadka loo sheegay inay isku jirsadaan masaafo illaa 500 mitr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here