Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Uu Taageeraha Gaarka U Yahay Zinadine Zidane

0
137

JOWHAR-(Radio isnaay)-Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa lagu soo warramayaa inuu dalab qaali ah ka helaay koox aan la magacaabin oo dalka Qatar xilli uu haatan ku jiro go’aan ka qaadashada mustaqbalkiisa Estadio Santiago Bernabeu.

28 sano jirkaas ayaan xiddig aan sidii hore muhiim u ahayn ka noqday Los Blancos xilli ciyaareedkii hore isaga oo metelay kaliya 18 kulan oo horyaalka La Liga ah oo uu siddeed kamid ah shaxda koowaad kusoo bilawday.Vazquez ayaan ku khasaarin wakhtiga uu kusoo qaatay Real waxaana uu tan iyo sanadkii 2015 markii uu kasoo laabtay kooxda Espanyol kula soo guuleystay saddexley Champions League oo xidhiidh ah iyo laba horyaal La Liga.

Lucas ayaa mudadaas shanta sano ah 206 kulan guud ahaan usoo ciyaaray Real Madrid laakiin doorkiisa muddooyinkan ugu dambeeyay ayaa u muuqda inuu dheeraad ku yahay baahida kooxdaas.

Real ayaa la sheegayaa inaysan iyadu wax farogelin ah ku samayn doonin go’aan ka gaadhista mustaqbalka xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Spain isla markaana ay isaga u dayn doonaan inuu siduu rabo go’aansado.

Heshiiska uu Vazquez ku joogo Real Madrid ayaa ah mid dhacaya bisha June ee sanadka dambe, Santi Cazorla ayuu kula midoobo karaa liiska xiddigaha xagaagan horyaalka La Liga dhaafsaday midka Qatar haddii uu kooxdaas aan la magac xusin ee ree Qatar u wareego.

Ugu dambayn, Vazquez ayaa lagu xasuusan doonaa haddii uu baxo xidhiidhka kala dhaxeeyay tababare Zidane ee ahaa midka aadka u wanaagsan iyadoo uu Zizou jecel yahay shaqada uu garoonka ka dhex qabto xiddigani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here