Tijaabada Talaalka Cudurka Covid-19 ee la Hakiyay oo lagu Wado in Dib looga bilaabo Caalamka.

0
108

JOWHAR-(Radio-isnaay)-Tijaabada tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska.

Salaasadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la baadhayo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn badan oo tallaalka la xidhiidhiyey.

Laakiin Jaamacadd ayaa Sabtidii sheegtay in ay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada.

Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada.

Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay ” filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen”.

Waxay se intaa ku dartay in daraasaadkii lagu waday tallaalka iyo tijaabadu dib u bilaabmi doonaan iyada oo la raacayo talo bixinta ay soo jeediyeen guddi madax banaan iyo sidoo kale wakaaladda Ingiriiska u qaabilsan la socodka dawooyinka iyo agabka caafimaadku.

Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go’an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here