Tababare Diego Simeone Oo Uu Ku Dhacay Korona Fayras

0
113

JOWHAR-(Radio-isnaay)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa laga helay fayraska Korona, sida ay kooxdu xaqiijisay, waxaanu macallinkani la halgamayaa sidii uu uga soo kaban lahaa xanuunkan.

Atletico Madrid waxay xaqiijisay in tababaraheedu uu ku jiro xaalad karantiil ah oo uu guriga ku sugan yahay, xaaladdiisuna aanay xumayn xilli astaamihii lagu yaqaanay caabuqanna aanay ka muuqanin.

Waxa ay kooxdu intaa ku dartay in Simeone uu yahay qofka kaliya ee shaqaalaha tababarka ah ee xanuunka laga helay, isla markaana lagu xaqiijiyey laba baadhitaan oo midkii hore uu dhacay Khamiistii lagana waayey xanuunka  ka hor intii aan Jimcihii mar kale baadhitaan lagu samaynin oo aan laga helin xanuunka.

Xanuunkan oo kusoo beegmay xilli ay Atletico Madrid isku diyaarinayso kulankeeda ugu horreeya horyaalka LaLiga ee xili ciyaareedkan oo ay la dheeli doonto Granada marka ay taariikhdu tahay September 27, iyada oo dib loogu dhigay labada kulan ee ugu soo horreeya, ayaa waxa shaqada tababarka sii wada ku-xigeenkiisa.

War-saxaafadeed ay Atletico Madrid kasoo saartay xaaladda caafimaad ee Diego Simeone ayay ku tidhi: “Kooxda koowaad, shaqaalaha tababarka iyo xubnaha kooxduba waxay mareen baadhitaan PCR ah Jimcihii markii ay kusoo laabteen tababarka xarunta Los Angeles de San Rafael, kaddib markii Khamiistii xubin ka tirsan shaqaalaha tababarka laga helay Fayraska. Baadhitaanka cusub ee shaybaadhka, waxa uu muujiyey in tababarahayaga, Diego Pablo Simeone uu qabo xanuunka KOOFID-19. Nasiib-wanaag, tababarayaga kama muuqdaan wax calaamado ah, waxaanu karantiil ugu jiraa gurigiisa oo uu ku raacayo nidaamka is banbaaninta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here