Liverpool Oo Guul Naftu Kaga Baxday Ka Gaadhay Leeds United,

0
129

JOWHAR(RADIO ISNAAY)Liverpool ayaa guul dirqi ah ku bilaabatay horyaalka Premier League ee maanta la bilaabay xili ciyaareedkiisa 2020-21, waxaana libin ay ku rafaadday ay ka gaadhay Leeds United oo ay isku haleeleen Anfield.

Kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Liverpool ayaa ciyaar goolashu furnaayeen waxay 4-3 kaga adkaatay Leeds United oo marti u ahayd.

Ciyaartan oo Liverpool ay dib u heshay kabtankeeda Jordan Henderson ayaa daqiiqaddii 4aad uu Mohamed Salah u dhaliyey goolka furitaanka oo uu ku galay taariikhda, waxaase laga daba keenay daqiiqaddii 12aad oo Leeds ay goolka barbarraha heshay.

Virgil van Dijk ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ka hor intii aanu samaynin qalad dilaa ahaa oo Leeds siiyey goolka ay mar kale ku heshay barbarraha oo 2-2 uu kaga dhigay Patrick Bamford.

Mohamed Salah ayaa kooxdiisa u dhiibay hoggaanka, laakiin kumay sii waarin e waxa laga daba keenay goolka barbarraha, waxaanay ciyaartu ahayd 3-3 illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 88aad oo Mohamed Salah uu rikoodhe guusha ku siiyey kooxdiisa.

LEEDS UNITED (4-1-4-1):  Illlan Meslier; Luke Ayling, Robin Koch, Pascal Struijk, Stuart Dallas; Kalvin Phillips; Helder Costa, Pablo Hernandez, Mateusz Klich, Jack Harrison; Patrick Bamford.

Kaydka: Ian Carlo Poveda-Ocampo, Ezgjan Alioski, Tyler Roberts, Kiko Casilla, Rodrigo Moreno, Jamie Shackleton, Oliver Casey.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, Naby Keita; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Fabinho, James Milner, Adrian, Curtis Jones, Takumi Minamino, Divock Origi, Joel Matip.

Tababare Jurgen Klopp ayaa kusoo bilaabay shaxdiisii lagu bartay oo kaliya uu kusoo dhex qaldamay Naby Keita oo kasoo hormaray Firmino, waxaana mar kale iska soo garab muuqday saddexlayda weerarka ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firimino, halka uu kabtan Jordan Henderson oo muddo dhaawac ahaa uu kusoo laabtay kooxda.

Leeds United ayaan kulankan helin kabtankeeda Liam Copper, waxaana tababare Marcelo Bielsa uu booskiisa keenay 21 jirka Struijk oo garab istaagay Koch, halka weeraryahanka reer Spain ee usbuucii hore ay kala soo wareegeen Valencia ee Rodrigo uu kaydka fadhiyey, isla markaana uu weerarka hoggaaminayay Bamford oo kaashanayay Costa iyo Harrison.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here