Burcadda Internet-ka Ruushka oo mar kale isku Dayey iney Jabsadaan Xogta Doorashada Madaxtinimada ee Dalka Mareykanka.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Burcad dhanka internet-ka ah oo xiriir la leh Ruushka,Shiinaha iyo Iiraan ayaa isku dayaya inay macluumaad sirdoon ka helaan shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta leh doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee 2020, waxaa sidaasi sheegtay shirkadda Microsoft.

Burcadan dhanka internet-ka ee iyagu jabsaday ololihii doorashada 2016 ee xisbig Dimuqraadiga ayaa mar kale ku lug leh howlahani, sida lagu sheegay bayaanka shirkadda tiknoolajiyada ee Microsoft.

Burcadda internet-ka Ruushka ee kooxda Strontium ayaa bartilmaameedsaday 200 oo urur oo intooda badan xiriir la leh xisbiyada siyaasadda Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga , sida lagu sheegay bayaanka shirkadda Microsoft.

Isla burcaddani internet-ka ayaa waxay bartilmaameedsadeen xisbiyada siyaasadda ee UK, sida ay sheegtay Microsoft, iyada oo aan cayimin xisbiga sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday.

Si la mid ah waxyaabihii aan aragnay 2016, kooxda Strontium ayaa qaadaya olola ay ku doonayaan inay galangal ku yeeshaan cinwaano taasi oo looga gol leeyahay in lagu uruuriyo xogg dhanka sirdoonka ah islamarkana lagu carqaladeynayo howlaha socda,” ayuu yiri Tom Burt, oo ah ku xigeenka madaxa dhanka ammaanka macaamiisha u qaabilsan shirkadda a Microsoft.

Shirkadda ayaa intaa ku dartay in burcad dhanka internetka ah oo ka socota Shiinaha ay weerar ku qaadeen shaqsiyaad ka tirsan ololaha doorashada ee Mr Biden, halka burcadda internet-ka ee iiraan gacan saarka la leh ay sii xoojiyeen dadaalka ay ku bartilmaameedsanayaan oloalaha doorashada madaxwayne Trump.

Doorashadii 2016 ee Mareykanka ayaa waxaa Ruushka lagu eedeeyya inay faragaliyeen gaar ahaan iyaga oo gacan siinaya xisbiga Jamhuuriga ee madaxwayne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here