Xiddigii Uu Ronald Koeman Ka Dalbaday Maamulka Barcelona Ee Gini Wijnaldum Oo Go’aankiisa U Sheegay Liverpool.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxdaas xilli maalmahan ugu dambeeyay aad loola xidhiidhinayay dhinaca kooxda Barcelona iyo horyaalka La Liga.

Tababaraha dhawaan-galka ah ee Barcelona ee Ronald Koeman ayaa loo arkaa inuu yahay shaqsiga dabada ka riixaya heshiiska ay Barcelona dhigeeda Liverpool kaga doonaysay Wijnaldum.

Macalin Koeman ayay jiraan warar sheegaya inuu xataa maamulka sarre ee kooxdiisa ku diiday inay u dhaqaaqaan saxeexa mashiinka khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara isaga oo Wijnaldum ka doorbidaya.

Haddaba, sida uu sheegayo haatan il-wareedka Sky Sports, Wijnaldum ayaa gaadhay go’aan u qaadan-waa ku noqonaya Barcelona isaga oo Reds u sheegay inuu doonayo sii joogista Anfield isla markaana uu rabo inuu qandaraas cusub saxeexo.

Heshiiska Gini ayaa ah mid dhacaya xilli ciyaareedka dambe taas oo dhalisay in lala xidhiidhiyo kooxo cusub, Barcelona ayaa ahayd kooxda ilaa hadda xiisaha ugu badan u muujisay.

Liverpool ayaa u muuqatay mid diyaar u ah inay iska iibiso Wijnaldum oo aysan bixitaan kahor istaagi doonin si ay lacag ugu helaan heshiiska ay ku doonayaan Thiago Alcantara balse go’aankiisan cusub ayuu ugu muuqdaa mid kusii joogaya Anfield.

Sky Sports ayaa sheegaya inuu wadahadalo muhiim ah 29 sano jirkaasi la yeeshay maamulka Liverpool isaga oo ku wargeliyay doonistiisa inuu kooxda sii joogo.

Georginio ayaa hadda qaba rajada ah inuu qandaraas sarre oo wanaagsan ka heli doono kooxdiisa. go’aankan uu qaatay ayaa ku qasbaya Liverpool inay meel kale ka raadiso lacagta ay ku doonayso saxeexa Alcantara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here