Liverpool Oo Heshiis La Gaadhay Thiago Alcantara, Qoyskiisii Oo Soo Guuray & Jurgen Klopp Oo Guul Suuqa Ah Gaadhay.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshiis la gaadhay kubbad sameeyaha Bayern Munich iyo xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara oo ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee tababare Jurgen Klopp ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Thiago Alcantara ayaa la sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaadhay Liverpool, ayna hadda hadhsan tahay kaliya inay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha ay ku kala iibsanayaan laacibkan.

29 jirkan oo ay Bayern Munich fasax u siisay inuu usbuucan kooxda uga maqnaado si uu go’aan uga soo gaadho mustaqbalkiisa maadaama sannad kali ahi ka hadhsan yahay heshiiskiisa Munich, isla markaana u hanqal taagaya inuu tago horyaalka Premier League, ayaa waxa uu hadda u muuqdaa inuu si buuxda u cago dhigtay Anfield.

Xaaska uu qabo Thiago Alcantara ayaa kasoo guuray waddanka Germany iyadoo wadata carruurteeda, waxaana muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka iyada iyo afarteeda carruurta ah, waxay kusoo qortay: “Aniga iyo afartayda carruurta ah”, waxaanay sawirkaas ku galeen meel ka baxsan dalkaas.

Sida uu qoray wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, Thiago Alcantara iyo Liverpool ayaa gaadhay heshiis shaqsi ah, waxaanay isla meel dhigeen mushaharka uu qaadanayo iyo sannadaha uu Anfield ku sugnaan doono.

Warku waxa uu intaa ku daray in Liverpool ay hadda diyaar u tahay inay miiska la fadhiisato Bayern Munich oo ay isla meel dhigaan lacagta ay ku kala iibsanayaan, waxaana la filayaa in tababare Jurgen Klopp lagu qasbi doono inay bixiso lacag aan ka yarayn £27.5 milyan oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here