Odion Ighalo Oo Weeraryahan Dilaa Ah Kahor Istaagay Inuu Man United Ku Biiro & Qaabka Ay Wax U Dhaceen Oo Faah-Faahsan.

0
140

Jowhar – (Radio-Isnaay) –  Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Odion Ighalo ayaa qaab dadban kooxda uu amaahda kula joogo uga hor istaagay inay la saxeexdaan dhigiisa ay Nigeria kasoo wada jeedaan ee Victor Osimahen.

Ighalo ayaa bishii January ee sanadkan heshiis amaah ah ugu soo wareegay Man United isaga oo kaga yimid dhinaca horyaalka China, qandaraaska Old Trafford ee Ighalo oo bishii June ku ekaa ayaa la gaadhsiiyay ilaa January 2021.

Osimahen oo 21 sano jir ah ayaa horraantii suuqa xagaagan heshiis qaali ah ugu biiray dhinaca kooxda Napoli balse walaalkii Andrew Osimahen ayaa hadda shaaca ka qaaday in Man United ay kamid ahayd tiro kooxo ah oo doonayay.

Andrew Osimahen ayaa sheegay in walaalkii uu gabi ahaanba iska diiday Man United isaga oo u sababaynaya inuu kooxda joogo Ighalo oo uu walaalkii ka weyn oo kale u arko isla markaasna uusan doonayn inuu cadaadiyo oo tartan la galo.

Andrew oo sida ay wax u dhaceen ka hadlaya ayaa yidhi “Waa mid aad u xaqiiqo ah in Manchester United ay doonaysay Victor laakiin waxa uu ii sheegay sida inuu ixtiraam ka badan inuu maaliyada kooxda kula tartamo saaxiibkiisa weyn u hayo Odion Ighalo”

“Walaalkay dareen sarre ayuu u hayaa Ighalo mana uusan naftiisa ka dhex arkayn isaga oo tagaya Old Trafford si uu doorka weerarka ugula tartamo gool dhaliyihii ugu sarreeyay Nigeria ee koobkii Africa ee Masar ka dhacay”

Ighalo iyo Osimahen ayaa ahaa kuwo si wadajir ah ugu soo ciyaarayay xulka Nigeria, Osimahen ayaa afar gool soo dhaliyay sagaal kulan oo uu soo ciyaaray tan iyo 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here