Goobaha lagu Sameeyo Cabitaanada laga shiido Miraha Dalka oo ku soo Badanaya Magaalada Jowhar.

0
164

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Tani Waa Sheeko ku Saabsan Hal abuurka Xuseen Cabdiraxmaan Coof oo kamid ah Dhalinyarada ku nool Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle Waxa uu kamid yahay Dhalinyarada Hal abuurkooda lagu Aflaxay.

Magaalada Jowhar ayuu ka Hirgaliyay Goob lagu sameeyo Cabitaanada laga shiido Miraha laga Beero  Dalka gaar ahaan Cambaha, Muuska, Batiiqa iyo kuwo kale Waxaana uu shaqadani ka dabaraa Nolosha Qoyskiisa.

Waxaan ku Booqday Goobtiisa Shaqo isagoo xiligaasi ku Guda Jiray Diyaarinta Cabitaanada Waxaana uu ii sheekeeyay Waxa ku dhaliyay in Fikradan uu la yimaado kana Hirgaliyo shaqadani gudaha Magaalada Jowhar.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here