Gary Neville Oo Magacaabay Sedexda Ciyaartoy Ee Manchester United ay U Baahan Tahay Inay Lasoo Saxeexato.

0
140

Jowhar- (Radio-Isnaay) – Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee Red Devils ay u baahan tahay inay lasoo saxeexato inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda, kaddib heshiiskii ay lasoo galeen Donny van de Beek oo ay £40 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Ajax.

Kubbad-sameeryaha reer Netherlands ayaa noqday saxeexii ugu horreeyey ee Ole Gunnar Solskjaer uu sameeyo xagaagan, waxaana ay hadda ka shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen laacibiin kale oo tayo iyo tamar ba kusoo kordhin kara.

Manchester United oo kaalinta saddexaad ku dhamaysatay xili ciyaareedkii hore horyaalka Prmier League, waxa kale oo ay gaadhay semi-finalka Europa League, waxaana si ay tallaabooyin hore ugaga qaaddo halkii ay ku jirtay xili ciyaareedkii hore ay u baahan tahay inay samayso ugu yaraan saddex ciyaartoy.

Gary Neville ayaa aaminsan, in kooxdiisa hore ay tahay inay iska dhisto difaaca bidix oo Luke Shaw uu kali ku yahay, difaaca dhexe iyo weerar ka hor inta aan la gaadhin October 5 oo uu xidhmi doono suuqa iibka ciyaartoygu.

Neville oo ka hadlayay barta YourTube-ka ee Webby and O’Neill, waxa uu yidhi: “Waxay ila tahay in difaaca bidix uu yahay meel muhiim ah, sababtoo ah, Luke Shaw wuxuu qabaa dhibaatooyin dhaawac.

“Waxa kale oo ay ila tahay in difaaca dhexe uu xaasaasi yahay, waxa kale oo muhiim ah hal ciyaartoy oo kale oo afka hore ah. Wali waxaan u malaynayaa in aanu u baahanahay saddex ama afar saxeex oo cusub.”

Gary Neville waxa uu sheegay in boodhka sare ee maamulka Manchester United ay ku hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen saxeexydaas, waxaanu yidhi: “Waxa igu jira dareenka ah in boodhka maamulka United ay ka shaqaynayaan in si degdeg ah ay saxeexyadaasi u yimaaddaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa lala xidhiidhinayaa ciyaartoyda ay ka mid yihiin Jadon Sancho, Jack Grealish, ALex Telles, Sergio Reguiolon iyo Gareth Bale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here