Wasaarada Waxbarashada Jubaland oo soo dhaweysay Natiijadii imtixaanka Dugsiyada sare ee Dowladu shaacisay.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Maamulka Jubbaland ayaa soo dhoweysay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka ee ay shalay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, waxayna hambalyada farxada la wadaageen dhammaan ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka gaar ahaan ardayda ka soo jeeda deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa marka hore uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xilka weyn ay iska saartay shaqada ay qabatay, ee u soo jeeday Habeenada badan, isagoona marka labaad u hambalyeeyay ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaamka sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka.

“Aad iyo Aad baan ugu faraxsanahay,waxaan horta u mahad celinayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka xilka weyn ayay iska saartay shaqada ay qabata ee u soo jeeday Habeenada badan, marka labaad waxaa u mahad celinayaa ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaanka gashay sanad Dugsiyeedka 2019/20,” ayuu yiri Agaasime Axmed Faarax Cali Aweys.

Sidoo kale, Agaasimaha oo sii hadlaya wuxuu yiri“ Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay haddaan nahay reer Jubbaland guusha weyn ee aynu ka gaarnay imtixaamka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday anaguna aan ku kaalmeyneynay oo aan u fududeyneynay, aad baan ugu faraxsanahay waana soo dhoweyneynaa,”

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys wuxuu dhiiragelin ku aadan iney sii laba jibaaraan dadaalkooda u jeediyay ardaydii sanadkan u suurageli weysay iney ka gudbaan imtixaamka ama baasaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here