Mucjisada Barcelona Ee Ansu Fati Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Xulka Spain Taariikh Cusub Ka Dhigay.

0
195

Jowhar – (Radio Isnaay) – Da’yarka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Ansu Fati ayaa halkiisa ka sii watay in uu magiciisa ku qoro taariikhda kubbada cagta Spain kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xulka waa waynka Spain.

Tababare Luis Enrique ayaa go’aan ku gaadhay in uu Ansu Fati oo 17 sano jir ah shaxdiisa ku soo bilaabay kulanka Nations League ee dhex maraya kooxaha xulalka Spain iyo Ukraine.

Ansu Fati ayaa taariikh aan abid laga soo diwaan galin xulka qaranka Spain waxa uu ku gaadhay goolka uu ka dhaliyay Ukraine isaga oo taariikdan gaadhay 32 daqiiqo oo kaliya markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Spain.

Ansu Fati oo xili ciyaareedkii dhamaaday rekoodho layaableh ka soo sameeyay kooxda kowaad ee Barcelona ayaa markale noqday xidigii abid ugu da’da yaraa ee xulka qaranka waa waynka Spain gool u dhaliyay.

Ansu Fati ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka Spain dhaliyay daqiiqadii 32 aad ee kulanka Ukraine waxa kale oo uu xulkiisa ugu guulaystay rekoodhe.

Sergio Ramos ayaa laba gool oo rekoodhe ah dhaliyay waxayna xulka Spain awoodeen in 3-0 ay hogaanka ciyaarta ku qabteen isla daqiiqadii 32 aad markii uu Fati goolkiisii ugu horeeyay ee La Roja dhaliyay.

Fati ayaa gool qurux badan ku bilawday kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxda senior-ka Spain waxaana hal habeen loo wada diwaan galiyay ku soo bilaabashadii ugu horaysay, goolkiisii ugu horeeyay iyo kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda waa waynka Spain.

Luis Enrique oo caan ku ah in uu fursad siiyo ciyaartoyda da’yarta ah ayaa Fati ku soo bilaabay kulanka Ukriane waxaana loo arkaa in uu ka mid noqon doono xidigaha ugu muhiimsan ee uu Enrique mustaqbalka ku xisaabtami doono.

Si kastaba ha ahaatee, Ansu Fati ayaa taariikhda xidigii abid ugu da’da yaraa ee xulka Spain ee gool ka dhaliyay waxa uu ku gaadhay 17 sanadood iyo 311 maalmood oo kaliya. Qaybtii hore ee kulanka Spain iyo Ukraine ayaa lagu kala nastay 3-0 uu xulka Spain hogaanka ku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here