Qiimayn Afar Darajo Ah Oo Lagu Sameeyay Dhamaan Garsoorayaasha Premier League,

0
193

Kubbada cagtu ma shaqayn karto garsoore la’aan laakiin haddana waxay shaqadani noqotay mid cadaawad badan leh kadib marka ay garsoorayaashu sameeyaan qaladaad bini aadamnimo ama kuwo loo arko in ay ka badheedhaan.

Qiimayn lagu sameeyay dhamaan garsoorayaasha Premeir League ayaa lagu kala cadeeyay darajada ay kala taagan yihiin waxaana loo qaybiyay afar qaybood oo kala heer sareeya.Finalkii FA Cupka ee xili ciyaareedkan waxaa baraha bulshada qabsaday garsoore Anthony Taylor kadib markii uu kaadhka cas siiyay xidiga kooxda Chelsea ee Mateo Kovacic isla markaana waxa uu noqday cadowga kowaad ee jamaahiirta Chelsea.

Garsoorihii hore ee premeir League ee Mark Clattenburg ayaa xataa ku dooday in ay qalad ahayn in garsoore Anthony Taylor uu dhex dhexaadiyay finalkii Chelsea iyo Arsenal ee FA Cupka.

Ma aha garsoore Anthony Taylor oo kaliya balse inta badan garsoorayaasha Premier League ayaa marar kala duwan qabsaday baraha bulshada iyada oo dhacdooyin kala duwan loo haystay.

Haddaba wargayska The Sun ayaa qiimayn afar darjo ah ku sameeyay 16ka garsoore ee Premeir League waxaana ka soo baxday heerka shaqadooda loogu kala ixtiraamo.

Halkan ayaad kaga bogan kartaa qiimayntan iyada oo afar qaybood oo kala sareeya ay ka kooban yihiin.

3. Mike Dean- Waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha ugu waqtiga dheer Premier League, waxa uu qaybiyaa dareenka jamaahiirta kubbada cagta laakiin waxa uu haystaa kalsoonida buuxda ee naftiisa iyo PGMOL waxaana algu qiimeeyay garsooraha saddexaad ee premeir leauge ugu fiican.

4. Graham Scott- Laba sanadood ka hor waxay PGMOL doonayeen in laga saaro garsoorayaasha heerka kowaad laakiin waxa uu qaatay rafcaan balse kadib waxa uu ka mid noqday garsoorayaasha Premier league ugu fiican.

2- AAD U FIICAN

5. Anthony Taylor

6. Chris Kavanagh

1- HEER SARE

1. Martin Atkinson – 49 sano jirkan ayaa loo doortay garsooraha Premier League ugu fiican waxaana lagu qeexay mid sii fiicnaanaya markasta oo ay da’diisu waynaato.

2. Michael Oliver – Waxaa loo doortay garsooraha labaad ee horyaalka Premier League ugu fiican waxaana loogu cudur daaray ciladii saacada gool sheegta ku timid kulankii Villa Park ee xili ciyaareedkii dhamaaday.

7. Paul Tierney

3- FIICAN

8. Stuart Attwell

9. David Coote

10. Andy Madley

11. Peter Bankes

4- ISKA DHEX DHEXAAD

12. Craig

13. Jonathan Moss

14. Kevin Friend

15. Lee Mason

16. Simon Hooper

Garsrooe Simon Hooper ayaa lagu qiimeeyay garsooraha ugu liita Premeir League waxaana xogtan lagu sheegay in uu hal talaabo ka hooseeyo heerkii looga baahnaa garsoore Premeir League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here