Qaramada Midoobay oo ka Digtay Macluul Kusoo Wajahan Wadamo ay soomaaliya ku jirto.

0
142

Jowhar –(Radio-Isnaay) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay macluul daran oo saameyn ballaaran ku yeelan karta dadka danta yar.

Warbixin uu la wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayuu ku sheegay in dalalka, Soomaaliya, Afghanistan, Burkina Faso, Nigeria, Congo, Yemen, iyo South Sudan ay wajahayaan macluul halis ah oo aad u daran.

Xaaladaha dalalka ay Soomaaliya ku jirto kusoo wajahan ayaa waxaa kamid ah Cunto yari iyo Biyo yari baahsan oo saameyn karta dadka reer Guuraaga ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu dhibaatooyin badan kusoo kordhiyay wadamada qaar oo uu saameyn ku yeeshay dhinaca cuntada maadaama badi dalalka xayiraad dhinaca socdaalka ah ay soo rogeen.

Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha macluusha ah ee kusoo wajahan dalal ay kamid tahay Soomaaliya oo hadii aan wax laga qaban saameyn ballaaran reebi karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here