Madaxweynhii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita oo Waddankiisa isaga tagay.

0
171

Jowhar (Radio Isnaay)- Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in Keita uu sababo caafimaad ugu duulay Isutagga Imaaraadka Carabta kaddib markii toddobaadkan gudihii dareemay xanuunka faaligga ama istaroogga.

Keita oo 75 sanno jir ah ayaa Talaadadii la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Bamako, lix maalmood kaddib markii ay xoriyaddiisa dib u siiyeen hogaamiyaasha miltariga ee xilka kala wareegay 18-kii Ogosto.

Madixiisii hore ee shaqaalaha ayaa sheegay in Ibrahim Boubacar uu dalka ka maqnaan karo muddo ku siman 15 maalmood.

Mar sii horreeysay hogaamiyaasha miltariga ee la wareegay talada dalkaasi Maali ayaa magaalada Bamako ka bilaabay wadahadallo u dhaxeeya iyaga, mucaaradka iyo urururada bulshada. Waxaana wadahadaladaasi diiradda lagu saaray sidii loo soo dhisi lahaa dowlad rayid ah.

Hogaamiyaasha Galbeedka Afrika ayaa doonayaa in dalka mali si dhakhsiya looga hirgaliyo dowlad rayid ah kaddib afgambigii madaxweyne Keita. Hogaamiyaasha Afgambiga ayaa sheegay iney muddo laba sanno gudohood ah ay xilka ku baneyn doonaan.

Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay C Faah Faahino Ka Soo Baxayo Dab Qasaare  geystay oo ka Kacay Tuulada Laba Buraale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. ol Malick Diaw – oo ah ku xigeenka madaxa salhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo , Gen Sadio Camara,

Markii ay saldhigaasi oo u jira 15 KM caasimadda Bamako ay la wareegeen ayaa waxay ka dib so galeen caasimadda dalkaasi oo dad ku faraxsan tallaabadooda ay soo dhaweeyeen.

Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka iyo maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here