Faah Faahino Kasoo Baxayo Dab Qasaare  geystay oo ka Kacay Tuulada Laba Buraale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

0
170

Jowhar(Radio Isnaay)- Dabkan oo Qasaare  Geystay ayaa ka kacay  Tuulada Laba buraale oo katirsan deegaanka Aqabduco ee Gobolkani shabellaha Dhexe Waxa ayna 30km dhanka bari kaga beegan Magaalada Jowhar.

Dabkan Ayaa sababay Qasaare isugu jira dhaawac soo gaaray Aabe Iyo labadiisa wiil galaafashada Nolosha Xoolo lagu qiyaasay 50 neef oo Ari ah, waxaana sido kale Dabkan ku basbeelay goobo ganacsi oo ku keydsanaa Hanti badan iyo ilaa 7 guri oo ka sameysanaa Cooshado iyo Baco oo dadkii deganaa ay dibad joog ka noqdeen.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here