Waa Maxay Sababta Uu Dani Ceballos Ugu Soo Laabtay Kooxda Arsenal?

0
147

JOWHAR (RADIO ISNAAY)  Xiddiga khadka dhexe ee Dan Ceballos ayaa ku soo laabtay kooxda Arsenal mar kale kadib markii ay Real Madrid ogolaatay in ay heshiis amaah ah ku siiso xiddiga khadka dhexe.

Kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ayaa xalay xaqiijiyay in uu Ceballos hal xilli ciyaareed oo kale amaah ugu qaadan doono Emirates xilli ciyaareedka cusub.

Kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska Ceballos ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Arsenal, aad ayaan u faraxsanahay soo laabashada kooxdan sababta oo ah waxa aan dareemayaa in aan muhiim ka ahay”.

“Waxa jiray dookhyo kale oo ay ka mid ahayd in aan sii joogo Real Madrid laakiin waxa aan doortay ku soo laabashada Arsenal”.

“Waxa aan si joogto ah ula xidhiidhi jiray Mikel Arteta kadib Finalkii FA Cup waxana uu ii sheegay in uu doonayo in aan sii joogo Arsenal koobabna kula guulaysto”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here