Mo Farah oo jabiyey Rikoodhka Dunida ee masaafad Saacad lagu Ordo.

0
164

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii.

Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir.

Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah.

Mar sii horaysay isla Jimcihii ayaa Sifan Hassan oo reer Netherlands ahi waxay iyaduna dhigtay rikoodh cusub oo tartanka haweenka ah. Masaafada ay oroday oo ah 18,930 mitir waxay dhaaftay rikoodhkii ay dhigtay Dire Tune sannadkii 2008 oo ahayd 18,517 mitir.

Farah wuxuu tartankii Olomigii Rio u wareegay dhanka orodada dhaadheer ee magaalooyinka dhexdooda ah, laakiin wuxuu dib ugu soo noqday orodada garoomada dhexdooda ah si uu ugu diyaar garoobo inuu ku tartamo 10,000 mitir sannadkan dambe ciyaarihii ka dhici lahaa Tokyo ee dib loo dhigay.

Waa tartankii ugu horeeyey ee uu galo tan iyo bishii October ee Marathon kii Chigago. Waxaanu Farah daba ordayey Bashir Abdi oo Belgium ah sodonkii daqiiqo ee u dambeeyey.

Labadooba waxaa laga shakisanaa in aanay jabin doonin rikoodhkii uu dhigay Gebrselassie markay ordayeen garoonkaas oo aanay joogin taageerayaal dhiirri geliyaa. Laakiin rubuc saacihii ugu dambeeyey ayay dardar hor leh bilaabeen.

Abdi ayaa markii hore hogaanka u hayey laakiin kama dambaystii ayaa Farah oo lix goor ku guulaystay horyaalka dunidu mijaha kala bixiyey oo uu si sahlan u guulaystay.

Wuxuu ku dhameeyey 53 wareeg midkiiba celcelis ahaan 67 ilbidhiqsi waxaanu sidaa ku noqday orodyahankii 12 ee rikoodhkaa qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here