Kulan looga Hadlayay soo Saarista Shidaalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu Qabtay.

0
151

Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa:- Xaliimo Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here