Kooxda Liverpool Oo Labo Gool Looga Hormaray Kuna Bedeshay Todobo Gool.

0
169

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Liverpool ayaa waxaa cabsi gelisay kooxda heerka seddexaad ee Blackpool ka hor inta aysan badinin kulankoodii ugu danbeeyay ee saaxiibtinimo ee xagaagan iyagoo labo gool oo looga hormaray ku bedelay todoba gool.

Reds ayaa 2-0 waxaa ku hogaamineysay kooxda uu tababaraha u yahay macalinkoodii hore ee kooxda juunyeerka Neil Critchley ka dib gool uu ka dhaliyay CJ Hamilton iyo rigoore uu saxiixay Jerry Yates.

Laakiin kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa ciyaarta ku soo noqotay markii uu kibad madax aheyd u saxiixay Joel Matip wax yar ka hor waqtigii nasashada ka hor inta aysan afar gool ku dhalinin 20 daqiiqo gudaheed qeybtii labaad.

Sadio Mane, Roberto Firmino, Harvey Elliot, Takumi Minamino ayaa shabaqa soo taabtay iyadoo Divock Origi iyo Sepp van de Berg ay goolal kale ku soo darsadeen iyagoo xaqiijiyay in Liverpool ay ku badiso 7-2.

Iyadoo garoonka Anfield uu faaruq ahaa islamarkaana la maqli karayay codadka ciyaartoyda uyo tababarayaasha, waxaa hadana si nadiif ah loo maqlayay hadalka tababare Jurgen Klopp.

Tabbaaraha Reds ayaa aad uga careysnaa in kooxdiisa lagu hogaaminayay 2-0 kulankii ay la ciyaarayeen kooxda horyaalka heerka seddexaad, wuxuuna u sheegay ciyaartoydiisa intii ay ciyaarta socotay.

Klopp ayaa ku qeyliyay: “Dib u ceshta kubada! Isku daya inaad kubada dib u soo ceshataan. Booska saxda ah jooga mar walba! Hala dhaqaaqo”

Ciyaartoyda ayaana dhageystay taladiisa iyagoo durbadiiba ka jawaab celiyay islamarkaana ciyaarta dib ugu soo noqday.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarineysa kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka horyaalka Premier League oo ay la ciyaarayaan Leeds United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here