Kai Havertz Oo Noqday Saxiixii Ugu Qaalisanaa Kooxda Chelsea.

0
150

JOWHAR (RADIO ISNAAY) Xiddiga 21 jirka ah ayaa qabtay indhaha adduunka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda Bayer Leverkusen xilli ciyaareedkii hore.

Kai ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu Blues ku joogi doono ilaa xagaaga 2025 kadib markii uu ku soo biiray kooxda.

Havertz ayaa noqday saxiixii 6-aad ee ay chelsea samaysay suuqa xagaagan iyada oo ka soo bixisay xiddiga 80 milyan oo euro.

1.Kai Havertz: 80 Milyan

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan ee taariikhda chelsea kadib markii uu Blues kaga soo biiray kooxda reer Germany ee Leverkusen.

2.Kepa Arrizabalaga: 72 milyan

Goolhayaha reer Spain ayaa xagaagii hore noqday Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta sidoo kale noqday Saxiixa ugu qaalisan kooxda chelsea kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Athletic Bilbao.

3.Alvaro Morata: 59.4 milyan

Morata ayaa kooxda chelsea ku soo biiray isaga oo u dhaliyay kaliya 24 gool 72 gool inkasta oo uu ka mid yahay saxiixyada ugu qaalisan kooxda.

4.Christian Pulisic: 57.6 milyan

Xiddiga reer Ameroca ayaa si fiican ku dhamaystay xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyay ee chelsea waxana la filayaa in uu horumar weyn sameeyo xilli ciyaareedka cusub.

5.Fernando Torres 52.65 Milyan

Blues ayaa si lama filaan ah saxiixa xiddiga Fernando Torres kaas oo u ciyaarayay Liverpool laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedyadii looga bartay markii uu Liverpool joogay.

6.Jorginho: 51.3 milyan

7.Timo Werner: 47.7 milyan

8.Ben ChilwellL 45.18 milyan

9.Mateo Kovacic: 40.5 milyan

10.Andriy Shevchenko: 39.49 milyan

11.Hakim Ziyech: 36 milyan

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here