Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Doortay 25kii Ciyaartoy Ee Lacagta Khasaaraha Ay Ku Bixiyeen Kooxaha Premier League

0
165

JOWHAR (RADIO ISNAAY) 25kii saxeex ee lacagaha badan ee khasaaraha ah ay ku bixiyeen kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay taageereyaasha kubadda cagtu soo doorteen, waxaana liiskan ka mid noqday laacibiin waqtigan garoomada kusii jira oo naadiyadoodu ay guul ka sugayaan, laakiin aanay muuqanin saansaan ay ku gudi karayaan lacagta laga soo bxiiyey.

Manchester United, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool ayaa hoggaanka u haya kooxaha ciyaartoyda ay lacagaha badan kasoo bixiyeen ay fashilka noqdeen ee ugu dambayntiina ay isasii dhaafiyeen markii ay u caddaatay in ay sameeyeen qalad dhinaca suuqa ah.

Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan horyaalka Premier League ayaa la weydiiyey inay soo xushaan magacyada 25kii saxeex ee ugu xumaa, waxaana liiskan ka  mid noqday difaaca Manchester United ee Harry Maguire oo ay Red Devils sannad ka hor £80 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Leicester City

Maguire waxa uu liiska ka galay kaalinta saddexaad, waxaana wali kasii hooseeya oo uu isagu dhaamaa laba xiddig oo kale oo ay Liverpool iyo Manchester United kaga baxday lacag khasaare ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here