Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Mid Ka Mid Ah Ciyaartoydeeda Kooxda Kowaad Uu AC Milan Ku Biiray

0
168

JOWHAR(RADIOISNAAY)Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in mid ka mid ah ciyaartoydeeda kowaada kowaad uu ku biiray kooxda AC Milan. Dhinaca kale isla kooxda AC Milan ayaa heshiiskan ku dhawaaqday.

Kooxaha Real Madrid iyo AC Milan ayaa heshiis ka gaadhay xidiga kooxda Zinedine Zidane booska ka waayay ee Brahim Díaz kaas oo amaah hal xili ciyaareed ah ugu wareegay kooxda Milan.Brahim Díaz ayaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda Manchester City laakiin waxa uu waayay fursad uu tayadiisa ciyaareed ugu soo bandhigo Zidane waxaana la siiyay heshiiska amaahda ah ee uu Milan ugu soo ciyaari karo.

Warka ay Real Madrid ka soo saartay bixitaanka Brahim Díaz ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbad cagta Real Madrid iyo AC Milan waxay heshiis ka gaadheen amaahda Brahim Díaz ee xil ciyaareedka soo socda waana heshiis soconaya ilaa June 30,2020”.

AC Milan oo dhinaceeda kaga dhawaaqday heshiiska Brahim Diaz ayaa shaacisay in 21 sano jirkani uu haddaba la midoobay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin iyo tababare  Stefano Pioli kuwaas oo uu kula kulmay Milanello Sports.

Brahim Díaz waxa uu kooxdiisa cusub ee AC Milan u xidhan doonaa lambarka 21 wuxuuna heli doonaa fursad uu Real Madrid ugu qasbi karo in ay xili ciyaareedka soo socda dib u soo ceshan karaan sidii ay xidigo badan oo kale ku sameeyeen.

Real Madrid ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2019 kii waxay Brahim Diaz kula soo wareegeen 17 milyan kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here