Ninkii faafiyey sirihii waaweynaa ee kubadda cagta oo la maxkamadeynayo.

0
198

Ninkii bannaanka soo dhigay heshiisyo badan oo shaki lahaa oo ay qayb ka ahaayeen naadiyada kubada cagta ugu sarreeya, wakiillo iyo ciyaartooy ayaa kiiskiisa ahaa ‘bixinta sirahii ciyaaraha ” loogu maxkamadaynayaa dalka Portugal.

Rui Pinto, oo 31 jir ah, wuxuu isku sifeeyaa inuu yahay mid ka mida dadka “wax sii sheega ama saadaaliya” halkii uu ka ahaan lahaa “mid xogaha jabsada”, isagoo sheegay inuu u falay si uu u soo bandhigo musuqmaasuqa ka jira kubadda cagta. Malaayiin dukumiinti ayaa uu soo dusiyey xilligaas, arintaas oo dhalisay su’aalo sharci ah.

Xogta qaar ayaa gacan ka gaysatay dacwaddii Uefa ee ka dhanka ahayd Manchester City, oo markii dambe laga qaaday ganaaxii Champions League.

Xogtan sirta ah ee laga helay warbaahinta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2016

Boggiisii xogtu – waxa uu ahaa shabakaddii siraha ee Wikileaks oo qaabilsan kubbadda cagta oo kale – waxaa lagu faafiyey malaayiin dukumiinti iyo in ka badan 3.4 terabyte macluumaad ah xarumaha warbaahinta ee isbahaysiga baaritaanka Yurub (EIC), oo ah shabakad saxafiyiin ah.

Boqolaal maqaal ayaa la qoray iyada oo lagu saleynayo xogta sirta ah ee qarsoon, taas oo lagu soo oogay kiisas la xidhiidha cashuur la baxsi iyo heshiisyo shaki geliyay oo ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah kooxaha kubada cagta ugu sareeya iyo xiddigo waaweyni. Waxaana arrintaasi abuurtay in baadhitaanno xagga garsoorka ah laga bilaabay dalalka Faransiiska, Spain, Belgium iyo Switzerland.

Shaacintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan heerka xakamaynta ee maamulayaasha kooxaha, iyadoo lagu eedeynayo in heshiisyo badan oo kala iibsi iyo maalgashi kooxeed ay si liidata oo aan sharci ahayn u dhaqan galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here