Maamulka Dugsiga Shiikh Xanafi ee Magaalada Jowhar oo Waxbarasho Bilaash Siiyay Ardaygii kaalinta koobaad ka galaya Imtixaankii Dugsiyada Dhexe ee Hirshabeelle.

0
191

Xili dabayaaqadii bishii Agoosto ee sanadkan la shaaciyey natiijada imtixaanka  Dugsiyada dhexe ee deegaanada hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar  waxaa lagu qabtay munaasabad  hambalyo iyo Bogaadin loogu muujinayay  Ardaygii kaalinta koobaad ka galay imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Hirshabeelle ee fasalka 8aad ardaygaas oo lagu Magacaabo Cabdikariim Daauud Cali.

Munaasabaddan waxaa soo  qabanqaabiyey  Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Shiikh Xanafi  waxaana si gaar ah loogu Casuumay waalidka dhalay Cabdikariim Daauud Cali oo ah Ardaygii kaalinta koobaad ka galay imtixaankii Dugsiyada dhaxe ee Deegaanada Hirshabeelle.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here