Laba Xidig Oo Muhiim Ka Ah Arsenal Oo Ku Dhaw In Ay Horyaalka Talyaaniga Ku Midoobaan.

0
162

JOWHAR-(Radio-Isnaay) – Isbadalka uu Mikel Arteta ka samaynayo kooxdiisa Arsenal ayaa u muuqda in ayna wali waxba ka dhawayn wuxuuna kooxda ka dirayaa laba xidig oo markii hore ka mid ahaa xidigaha ugu muhiimsanaa balse hadda ay suurtogal wayn tahay in ay Serie A ku midoobi doonaan.

Arsenal ayaa haddaba samaysay saxiixyo muhiim ah kuwaas oo la filayo in ay isbadal dhab ah ka samayn karaan Emirates Stadium marka uu furmo xili ciyaareedka Premier league.

Laakiin Arsenal ayaa ogolaatay in Lucas Torreira uu kooxdeeda kaga baxo heshiis amaah 8 milyan laga bixinayo isla markaana ay xagaaga soo socda ku heli doonaan iib waajib ah oo gaadhaya 16 milyan taas oo la micno ah in ay xidiga reer Urugay ku helayaan 24 milyan gini.

Dhinaca kale kooxda Napoli ayaa si buuxda u xaqiijisay in ay Arsenal ka doonayaan saxiixa difaaca dhexe ee Sokratis Papastathopoulos kaas oo hadda u dhaw in uu Gunners ka baxo.

Sokratis Papastathopoulos waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu muhiimsan Arsenal laakiin waxa uu hadda Arteta helay badalkiisa waxayna Gunners doonaysaa in ay lacag ka samayso xidigan.

Sokratis Papastathopoulos iyo Lucas Torreira ayaa hadda ku midoobi doona horyaalka Talyaaniga inkasta oo ay ku biiri doonaan kooxo kala duwan.

Khabiirka Sky Sports dhinaca suuqa kala iibsiga u qaabilsan ee  Dharmesh Sheth ayaa barnaamijka “The Transfer Show” waxa uu kaga hadlay xogta uu ka hayo bixitaanka Arsenal ee Torreira.

Dharmesh Sheth ayaa yidhi: “Bixitaanka suurtogalnimada Lucas Torreira waxaan kala xidhiidhay wariyaha Sky Italy ee Gianluca di Marzio  wuxuuna ii sheegay in Fiorentina iyo Torino ay xiisaynayaan Torreira”.

Khabiirka Sky Sports ee Dharmesh Sheth oo ka sii hadlaya wakiilka Torriera ayaa yidhi: “Si kastaba ha ahaatee, waxa uu wakiilkiisu sheegay in aanu jirin dalab rasmi ah oo miiska saarani laakiin waxaa laga soo xigtay isaga oo sheegaya in

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here