Kooxaha Premier League Oo Cod Ku Go’aamiyay Shantii Badal Iyo Shuruucdii Cusbayd Ee Duruufta Loo Sameeyay

0
175

JOWHAR(RADIOISNAAY)Kooxaha Premier League ayaa cod u qaaday shantii badal ee la soo isticmaalayay dhamaadkii xili ciyaareedka soo idlaaday kadib saamayntii karoona waxayna kooxaha horyaalka Ingiriisku soo saareen go’aan rasmi ah.

Premier League ayaa go’aan buuxa ku gaadhay in la joojiyo shantii isbadal ee duruuftii karoonaha loo kordhiyay waxayna dib ugu soo celiyeen saddexdii isbadal ee markii hore sharci ahaan loo ogolaa.Markii laga soo laabtay go’doonkii karoona fayras waxay sharci dajiyaasha kubbada cagtu soo saareen qorshaha lagu hir galiyay shanta badal ee xaalada jirtay awgeed loo sameeyay laakiin Premier League ayaa cod ku diiday in aanu sharcigani sii socon karin xili ciyaareedka cusub.

Codka loo qaaday in la sii wado shanta badal ee kooxaha Premier League waxa uu codku gaadhi waayay heerkii sharcigan lagu sii wadi kari lahaa iyada oo loo baahnaa in 14 kooxood ay sharcigan taageeraan balse kooxaha ayaa iska diiday in shan badal la sii isticmaali karo.

Boodhka xidhiidhka kubbada cagta caalamiga ah ee  (IFAB) oo ah hay’da dajisa shuruucda kubbada cagta ayaa hore u soo saartay isbadalo qariib ahaa markii laga soo laabtay go’doonkii karoona waxaana ku jiray in shan badal la adeegsado, in laba jeer ciyaartoyda la siiyo fursado ay biyo ku cabi jireen iyo waxyaabo la mid ah.

Laakiin hadda waxay kooxaha Premier League diideen in shan badal la adeegsan karo iyo waliba in labadii waqti nasasho ee biyo cabka loo baxayay meesha laga saaro.

Waxa kale oo ay kooxaha Premier league meesha ka saareen tiradii ciyaartoyda ee loo ogolaa in ay kursiga kaydka soo fadhiisan karaan oo ahaa 9 ciyaartoy intii lagu jiray dhamaadkii xili ciyaareedka ee laga soo laabtay go’doonkii karoona.

Laakiin go’aanka ay gaadheen kooxaha Premier league waxay keenaysaa in dib loogu soo laabto in 7 ciyaartoy oo kaliya lagu soo qori karo kursiga kaydka.

Diidmada kooxaha Premier league ee codka ay hadda sameeyeen waxaa ku dhaqan galay in xili ciyaareedka cusub ee Premier League lagu soo laaban doono iyada oo 3 badal oo kaliya ay tababarayaashu samayn karaan, 7 ciyaartoy oo kaliya ay kaydka ku soo qoran karaan isla markaana ayna jiri doonin labadii waqti ee biyaha loo baxayay marka ay ciyaartu socoto.

Caajis badan ayaa lagu dareemay dhamaadkii xili ciyaareedkii soo idlaaday markii laba waqti oo qaybta hore iyo qaybta labaad ah ciyaaraha la joojinayay si ciyaartoyda loo siiyo daqiiqado ay biyo ku cabaan waxaana sidoo kale aan la jeclaysan isbadalada 10 ka ahaa ee ay labada kooxood hal kulan ku samaynayeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hadda u muuqataa in maamulada kooxaha Premier League ay si cad u go’aansadeen in gabi ahaanba meesha laga saaro isbadaladii duruufaha karoonaha loo sameeyay oo kubbada cagta sidii hore lagu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here