Wax kabaro 30ka Kooxood Ee Koobabka Ugu Badan Kusoo Guuleystay 20kii Sannadood Ee Lasoo Dhaafay.

0
160

JOWHAR- ( Radio – Isnaay ) – Bayern Munich ayaa noqotay kooxda magaceeda ay qurxiyeen koobabka iyo guulaha faraha badan 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanay ka sarraysaa Barcelona oo ay yaraayeen sannadaha ay garoomada ka baxday iyagoon koobab hananin.

Kooxda reer Germany ee Bayern Munich waxay xili ciyaareedkii dhamaaday gacanta ku dhigtay koobabka dhamaan tartamadii ay ka qayb-gashay, iyagoo fasal ciyaareedkoodana kusoo xidhay guushii Champions League ee ay PSG ku garaaceen kulankii ugu dambeeyey ee finalka.

Barcelona oo hore ugu jirtay kaalinta koowaad ee kooxaha ugu guulaha badan Yurub qarniga 21aad ayaa koobab la’aan ku dhamaysatay xili ciyaareedkan u dambeeyey, waxaana ka faa’iidaysatay Munich.

Shabakadda raad-raaca, qiimaynta iyo xog-ururinta ee Transfermarket ayaa soo bandhigtay 30ka kooxood ee ugu guulaha badnaa Yurub qarnigan, waxaana hoggaanka qabatay Munich oo tan iyo sannadkii 2000 kusoo guuleysatay saddex dhampions League. Waxa kale oo ay Munich muddadaas 20ka sannadood ah hanatay 15 horyaal oo Bundesliga ah, 11 koob oo DB Pokal ah iyo saddex League Cup.

Heer-caalami, waxay Munich ku guuleysatay FIFA Club world Cup iyo Intercontinental Cup. Waxa kale oo ay ku darsatay UEFA Supercup, iyagoo bishan aynu ku jirno ee September 24-keedana Sevill,a la ciyaari doona UEFA Super Cup oo haddii ay ku guuleystaan ay kusii kordhisan karaan tirada koobabkooda.

30ka kooxood ee ugu koobabka badan Yurub qarniga, waxa koobaha Jarmalku ku leeyihiin Bayern Munich oo kalideed urursanaysay koobabka dalkaas laga ciyaaro intooda badan, laakiin waddanka Spain ayaa iyaguna labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ay usoo galeen.

Los Blancos oo lix Champions League ku guuleysatay tan iyo 2000, waxay liiska kaga jirtaa kaalinta 11aad, waxaana ka xoog badnayd Barcelona tartamada maxalliga ah, inkasta oo Champions League ay kooxda reer Catalonia afar mar ku guuleysatay tan iyo waqtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here