Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle oo Faah faahisay Muhiimadda Dugsiga laga Dhagax dhigay Degmada Balcad.

0
214

Xili Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ay ka Dhagax dhigtay Degmada Balcad ee Gobolkani Shabellaha Dhexe Dugsi sare Oo lagu barandoono Cilmiga Beeraha kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka beeraha ee Gobolka ayaa waxaa Masuulyiintii ka qeybgashay Munaasabadda dhagax dhigga ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Hirshabelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Balcad iyo xubno kale.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Abuukar Xasan Abuukar oo wareysi siiyey Idaacadda isnaay ee Magaalada Jowhar ayaa ka warbixiyey ujeedada Dugsigaasi loo Dhagax dhigay.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here