Dowladda Zimbabwe oo sheegtay in Dib ay u Celineyso Beerahii laga Qaaday dadka Cadaanka ah ee Waddankaasi ku nool.

0
152

Kumannaan beeraley caddaan ah ayaa mudadii u dhexaysay 2000 ilaa 2001 waxa lagala wareegay beerihii ay ku lahaayeen Zimbabwe, iyadoo la adeegsanayo sharci ay xilligaasi soo rogtay xukuumaddii uu hogaaminayay Madaxweyne Robert Mugabe.

Tallaabadaasi ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo cadaalad darradii dhanka dhulka ahayd ee uu ka tegay gumaystihii, balse waxa ay horseeday inuu hoos u dhaco dhaqaalaha Zimbabwe isla markaana uu xumaado xiriirka kala dhexeeya waddamada Galbeedka.

Sidoo kale waxa ay dowladda hadda ka talisa Zimbabwe bilowday hannaan magdhaw lagu siinayo beeraleyda caddaanka ah ee dalkaasi u dhashay.

Looma ballanqaadin dhul, balse dowladda ayaa bishii hore shaacisay in lacag dhan 3.5 bilyan oo doolar ay u siin doonto magdhaw ahaan ku aaddan hantidii laga qaatay.

Dowladda Zimbabwe ayaa Isniintii sheegtay in dadka ajaanibta ah ee laga qaatay dhulkii ay ku lahaayeen waddankaasi ay hadda codsan karaan in dib loogu celiyo.

Boqolaal qof oo Yurubiyaan ah, una badan muwaadiniinta Holland, Britain iyo Jarmalka oo maalgashigooda ay difaacayaan heshiisyada caalamiga ah, ayaa ka faa’iideysan kara fursaddan, sida ay ku warramayso weriyaha BBC ee Harare, Shingai Nyoka.

Madaxweynihii xilligaasi, Robert Mugabe, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dhul ballaaran uu u xirnaado dadka caddaanka ah, halka beeraleyda madowga ah loo reebay dhul daraf ah oo kooban.

Ku dhawaad 4,000 oo ahaa beeraleyda caddaanka ah, isla markaana laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha wax soo saarka beeraha ku tiirsan ee waddankaasi, ayaa xoog looga qaatay dhulkoodii, waxaana gacanta loo geliyay dad gaaraya hal milyan oo kamid ah madowga Zimbabwe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here