.Madaxweynaha Venezuela, ayaa shaaca ka qaaday in uu raadin doono dad si mutadawacnimo ah loogu tijaabiya tallaalka fayraska Covid-19 ee uu soo saaray Ruushka.

0
156

Ruushka waa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu helay tallaalka cudurka coronavirus.

Hase ahaate tallaalkan waxaa shaki geliyay khubarrada caafimaadka ama saynisyahannada kuwaas oo su`aal geliyay baahida loo qabo tijaaboyinka.

Dowaladda Venezuela ayaa balaayiin doollar oo deyn ah ka heshay Ruushka waxayna sheegtay in ay ka qayb qaadan doonto tijaabooyinka caafimaad ee tallaalkan cusub ee uu soo saaray Ruushka.

Maalmaha soo socda, waxaan codsan doonnaa dad si mutadawacnimo ah loo tallaalo,” ayuu sheegay Madaxweyne Maduro.

Saynisyahannada Ruushka ayaa sheegay in tijabooyinka horudhaca ah ay yihiin kuwo guulo soo hoyay, haddana in si rasmi ah loogu dhawaaqo

tallaalkan waxay ku xiran tahay in kumannaan qof tijaabo lagu sameeyo.

Warbixinta Maduro ayaa muujinaysa in Venezuela aysan weli helin dad si iskood ah isu soo saaray si tallaakan loogu tijaabiyo,

taas oo micnaheedu tahay in wasiirka caafimaadka Carlos Alvarado uu ka hordhacay hadalka madaxweynaha,.

Wuxuu wasiirka toban maalmood ka hor sheegay in Venezuela ay 500 oo qof u soo bandhigtay Ruushka si ay uga qayb qaatan tijaabada tallaalka.

Dowladda Venezuela ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato tijaabinta tallaallada ka dhanka ah fayraska Covid-19, oo ay soo saaren dalalka Shiinaha iyo Cuba

.Shiinaha, Cuba iyo Ruushka ayaa ah dalalka ugu dhow ee xiriirka la leh Nicolas Maduro oo ay dowladdiisu ay xiriirka u jareen in ka badan 50 dowladood oo ay ku jiraan Maraykanka iyo UK, waxayna madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsadeen ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Juan Guaido.

Ninkan oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ay mucaaradka ku badan yihiin, ayaa si iskiis ah isugu tilmaamay madaxweyne bishii Janaayo kaddib doorashadii dalkaasi ka dhacday ee horseedday in Mr Maduro uu dib ugu soo laabto awoodda waxaana tallaabadaasi loo arkay mid aan sax ahayn.

Ka dib markii uu Ruushka ku dhawaaqay inay diiwangeliyeen tallaalka cudurka COVID19 oo ay ugu magacdareen Sputnik V, waxaa isla markiiba hambalyo u diray Madaxweyne Maduro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here