Kooxda Arsenal oo Heshiis Cusub La Gaartay Real Madrid.

0
166

JOWHAR – ( Radio-Isnaay ) – Arsenal ayaa qarka u saaran inay heshiis cusub la gaadho kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ay ka wada hadlayaan sidii Gunners ay sannadkii labaad oo amaah ah ugaga soo qaadan lahayd kubbad-sameeyaha reer Spain ee Dani Ceballos.

Labada kooxood ayaa la sheegay inay gaadheen isfaham buuxa oo ku saabsan laacibkan, taas oo Arsenal siinaysa in khadkeeda dhexe uu xili ciyaareedka dhowaanta bilaabmi doona uu kasii ciyaaro Ceballos.

Dani Ceballos oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa Arsenal xili ciyaareedkii hore, waxa uu ka tegay Emirates markii uu dhamaaday fasal ciyaareedku iyadoo ay ahayd inuu si toos ah tababarka ula bilaabo ciyaartoyda Real Madrid, laakiin xiddigan oo doonaya inuu kasii maqnaado Santiago Bernabeu inta uu ka helayo boos joogto ah oo Zidane u ballan-qaado.

24 jirkan ayaa heshiiskiisa dambe ee amaahda sannadka ah aanu ku jirin qodob fursad usiinaya Arsenal inay si rasmi ah u iibsan karto marka ay dhamaato muddada amaahdu, waxaanu ku noqon doonaa Bernabeu.

Sida ay sheegtay warbaahinta LaSexta ee waddanka Spain, wada-hadallada Arsenal iyo Real Madrid ayaa maraya heer gabogabo ku dhow, iyadoo uu Dani Ceballos shalay tababarka la qaatay ciyaartoyda Real Madrid oo markii ugu horreysay isku soo laabtay.

Heshiiska ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Salaasada maanta, waxaanay taasi farxad u tahay Mikel Arteta oo dibu-dhis ku samaynayay Arsenal, isla markaana lasoo wareegay Willian iyo Magalhaes oo uu doonayo inuu ku kabo Ceballos oo ka mid ahaa xiddigihii ugu wanaagsanaa Emirates qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore.

37 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayuu Arsenal u ciyaaray fasal ciyaareedkii hore, waxaana bixitaanka Ceballos ay qayb ka noqon doontaa qorshaha Real Madrid ay waqti ay khibrad iyo ciyaaro joogto ah kusoo helaan ku siinayso laacibiinta ay mustaqbalka u diyaarsanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here