Duulimaadkii ugu horreeyay oo u kala gooshi doona Israa’iil iyo Imaaraadka

0
203

Markii ugu horreysay taariikhda, waxaa biloowday duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka u dhexeeya.

Diyaaraddaan waxaa soo raacay wefdi ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaaridda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed.

Kalmadda nabad oo ku qoran luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil.

Waxa soo raacay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan.

Duulimaadkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee diyaaradaha ee sida tooska ah u dhexmara labada waddan tan iyo intii ay soo ceshteen xiriirka laba toddobaad ka hor. Diyaaraddan ayaa dalka Sucuudigu u ogolaaday inay hawadeeda kor marto.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, oo kulan la qaatay lataliyayaal ka tirsan Aqalka Cad oo ka mid ah wafdiga soo raacay diyaaradda, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah.

Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, isagoo intaa raaciyay in Falastiiniyiinta aanay hadda kadib lahaan doonin waxa uu ugu yeeray “go’aan qayaxan oo ay ku horjoogsadaan nabadda”.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here