Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Jowhar Oo Soo Dhaweeyay Gudiga Soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

0
166

Xili dhawaan madaxweynaha maamulka hirshabelle dr maxamed cabdi waare  uu magacaabay Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo ka koobnaa 11 xubnood ayaa waxaa siyaabo kala duwan kaga hadlay shacabka magalada jowhar Ayago soo dhaweyey gudigaas waxa ayna shegeen in gudiga uu magacaabay madaxweyne waare looga bahanyahay iney la yimadaan waxqabad muuqda ………..

Gudiga farsamada soo xulista Barlamaanka labaad ee maamulka hirshabelle ayaa laga sugayaa in ay soo gudbiyaan Shuruudaha iyo Habraacyada ay noqon doonto doorashada Hirshabeelle oo todobaadyada soo socota ka bilaaban doonta Magaalada jowhar ee Caasimadda maamulgobaleedka Hirshabeelle.

Warbixintaan waxaa inoo soo jeedinaaya:-Cadbi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here