Khilaafkii Lionel Messi Iyo Barcelona Oo Ay Soo Faro Galinayaan Maxkamada CAS & Xiriirka Kubbada Cagta Aduunka Ee FIFA.

0
187

Maxkamada xalinta khilaafaadka Sporska ee magaceeda loo soo gaabiyo CAS iyo xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa la filayaa in ay soo dhex galaan xaalada heerka xun gaadhay ee u dhexaysa Lionel Messi iyo maamulka kooxdiisa Barcelona.

Xaalada ayaa faraha ka baxday kadib markii uu Lionel Messi iska diiday in uu ka soo muuqdo xarunta tababarka kooxdiisa Barcelona isla markaana uu maamulka Camp Nou u sheegay in aanu gabi ahaanba wax heshiis ah ku jirin oo uu dhaqan galiyay qodob qandaraaskiisa ku Lionel Messi ayaa maamulka Barcelona u sheegay in uu hadda xor u yahay in uu kooxda sidaa kaga baxo maadaama oo uu aaminsan yahay in heshiiskiisa ugu danbeeyay u ogolaanayo in xili ciyaareedkan uu ka bixi karo kooxda iyada oo aan wax iib ah lagu samayn.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa shaqadii ka caydhiyay kooxdii sharciyada u qaabilsanayd kuwaas oo Lionel Messi kula taliyay dariiqa uu kooxda kaga bixi karo iyada oo aan la iibin.

Wargayska Diario Sport ayaa shaaciyay in hadda ay xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA iyo maxkamada ciyaaraha ee CAS ay soo dhex gali doonaan khilaafka Messi iyo kooxdiisa Barcelona.

Warkan ayaa lagu sheegay in sababta ay CAS iyo FIFA kiisan u soo galayaan tahay in sida ay xaaladu u sii xumaatay ee uu Messi u arko in uu hadda xor ugu yahay in uu kooxda uu doono bilaash ugu biiri karo iyo go’aanka Barca iyo maamulka La liga ay ku dalbadeen in kooxdii Messi doonaysaa ay marka hore bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo.

Qandaraaska laysku khilaafsan yahay ee uu maamulka horyaalka La Liga kula saftay Barcelona ayaa dhigayay in Messi uu xili ciyaareedkan wixii ka danbeeya awood u leeyahay in uu si xor ah ku bixi karo laakiin maamuka Barca iyo La Liga ayaa ku doodaya in fursadani ay Messi ka gubatay oo ay ku koobnayd bishii June ee la soo dhaafay.

Maxkamada xalinta khilaafaadka Sporska ee CAS ayaa awood u leh in ay ka garnaqdo dhamaan kiisaska ciyaaraha kala duwan iyada oo ay suurtogal hadda tahay in muranka sharci ee Messi iyo Barcelona uu heer kale gaadhi karo.

Qaabka ay FIFA ku soo gali karto ayaan ahayn mid dacwad qaadis ah balse waxa uu noqon karaa sidii loo xalin lahaa khilaafka xadhkaha goostay ee Messi iyo Bartomeu u dhexeeya iyo in FIFA ay horeba gacanta ugu haysay heshiiska Messi oo ay fasiraad buuxda ka bixi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here