Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga lagu dhawaaqayo Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Dalka

0
185

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay waqtiga ay Wasaaradda ay shaacin doonto natiijada imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay socoto qiimeynta ardaydii sanadkaan ka qeyb gashay imtixaanka sidoo kale ay socdaan howlihii sixitaanka Imtixaanka si Jaamacadaha dalka u galaan Arday tayo leh.

Waxaa uu sheegay in Imtixaankii ay sanadkaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada uu ka duwanaa sandihii hore,isla markaana uu kusoo aaday xilli xaalad adag ay ka jirta dalka sida Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay dagaal kula jirto ardayda fasalada qaar laga bootinayao,sida Arday ku jiray sanadkaan Fasalka labaad ee Dugsiga sare in sanadka xiga la geeynaayo fasalka Afaraad.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan mas’uuliyiintooda, isla markaana Shaqaalaha imtixaanka saxaya ay Wasaaradda kordhisay,sidoo kale todobaadka soo socda la shaacin doono natiijada imtixaanka.

Sanadkaan 2020 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Imtixaan ka qaaday in kabadan 34, 600 oo arday oo ay ku jiraan 500 oo Arday oo ka yimid degaannada Puntland

warbixintaan waxaa inoo soo jeedineysa :-Maryama sheikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here